Xisbiga Himilo Qaran oo la sheegay in Colaad ka hurinayo magaalada Dhuusomareeb

Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo katirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankii kasoo baxay xisbigii uu katirsanaa ee Himilo Qaran ee looga joojiyay shaqadii uu ka hayay .

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in uu soo dhaweenayo go’aanka kasoo baxay Xisbiga, waxa uuna sheegay in qaar kamid ah xubnaha xisbigaasi ay isku aragti ka noqon waayeen dhismaha Galmudug .

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu kasoo horjeestay isku day siyaasiiyinta katirsan Xisbiga Himilo Qaran qaarkood ku doonayaan in colaad looga huriyo magaalada Dhuusomareeb iyo guud ahaan deegaanada Galmudug uu kasoo jeedo.

”Xubnaha Xisbiga qaarkood waxaan aad ugu kala aragti duwanaanay isku day ay wadaan siyaasiyiinta qaarkood oo ah in colaado laga huriyo deegaanka aan anigu matalo ee Dhuusamareeb, iyo guud ahaan Galmudug, si fowdadaas looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aan u arkayay in aysan deegaanka dani ugu jirin.” ayuu yiri Xildhibaanka.

Waxa kale sheegay Xildhibaan Cabdixakiin in Xukuumada iyo isaga isku aragti ka noqdeen dhismaha Galmudug, waxa uuna xusay ka shaqeynta arimaha Galmudug iyo xasiloonideea ay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan uu ku matalo dadka iyo deegaanka.

”Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaan isku aragti ka noqonay arrimaha ku saabsan dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka shaqeynteedu ay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan ku matalo dadka iyo deegaanka Galmudug taas ayaana keentay in xubnaha qaar ay u cuntamiwaysay” ayuu yiri Xildhibaanka Cabdixakiin.

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xili laga qaaday xilkii Xoghaya guud uu ka ahaa Xisbiga Himilo Qaran uu Hogaamiyo Sheekh Shariif, kadib markii uu kasoo horjeestay go’aano xisbigiisa kasoo baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -