Xildhibaan ku eedeeyey dowladda Somalia iney ka dambeysay Weerarkii Kismaayo

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa ku eedeeyey weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Hotel ku yaalla Magaalada Kismaayo iney ka dambeysay dowlada Somalia si loo  khal-khal loo geliyo amniga doorashada Jubbaland ku soo wajahan.

Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo laga soo doorto degaanada Jubbaland ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Xildhibaano ku sugnaa hotelka oo ka badbaaday weerarkaas, isla markaana xilliga uu qaraxa dhacayay uu ku jiray qolka uu ka degenaa Hotelka.

Waxaa uu sheegay inuu arkayay raggii hubeysnaa oo gudaha hotelka sii galaya, iyagoo rasaas adeegsanaya, dadkana tooganaya si aan kala sooc laheyn.

“Waxaan tuhmeynaa in Al-Shabaab iyo Villa Somalia uu xiriir ka dhaxeeyo kaasoo salka ku haya sidii khal-khal loo gelin lahaa amniga Kismaayo” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare oo intaas ku daray in dhowaan ay soo bixi doonaan caddeymo iyo xogo la xiriira weerarkaas.

Dareyskii Booliska dowladda federaalka ee lagu qeybiyay Iskoolo Buluusiyo kuwii u dambeeyay ayuu sheegay in loo adeegsaday weerarka, isagoo xusay inuu aaminsan yahay istiraatiijiyada laga lahaa weerarkaas inuu ahaa in Kismaayo aanay amni aheyn, doorashana lagu qaban karin.

Weerarkii ka dhacay Magaalada Kismaayo oo ay ku dhinteen 26 qof, dad 50 ka baddan ku dhaawacmeen ayaa waxaa sheegatay masuuliyadiisa kooxda Al-shabaab oo weeraro badan oo noocan oo kale ah horey uga geysatay magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo badan.

Eedeymahan uu Xildhibaanku u jeediyey dowlada Somalia oo ah kuwo aad u culus oo aan caadi aheyn ayaa sababi kara in lagu soo oogo dacwad, maadaama uusan cadeymo u heynin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

v

 

 

- Advertisement -