Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku kulmay Mombasa (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo wafdi uu horkacayo oo booqanaya dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

Labada masuul ayaa ka wada hadlaya xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen dhinacyo badan.

“Madaxweynaha Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa lagu wadaa inay yeeshaan wada hadal labo geesood ah kaas oo looga hadli doono mawduucyo dan u ah Kenya iyo Soomaaliya.” ayaa lagu yiri war kooban  kasoo baxay madaxtooyada Kenya.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha oo qaadan doonta saddex maalmood ayaa waxaa ku weheliya wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde oo noqday halyeey gacanta ku dhigay arin halis ah !!

admin

Sweden oo Shuruud yaab leh ku xirtay deeqda dhaqaale ee ay siiso dowlada Somalia

Caydiid Ali

Prof. Saciid Ciise: “Axmed Caydiid ma helin cadaaladii uu xaqsoor ahaan u mudnaa”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---