Allbanaadir.com
NEWS

Agaasime Koofi iyo Madaxda IOM oo ka wada hadlay shan qodob oo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Col. Maxamed Aaden Koofi, oo safar shaqo ku jooga Dalka Kenya ayaa kulan la qaatey madaxda cusub ee hay’adda socdaalka Adduunka u qaabilsan geeska Africa iyo Soomaaliya.

Kulankaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa soconayey mudo labo Maalin ah, waxaana laga wada hadley Maanta qodobbo ay ka mid yihiin:-

1) Hababka wada shaqeynta.

2) Ka hortagga danbiyada iskaga gudba xuduudaha iyo Socdaallada sharci darrada ah.

3) Dhameystirka dib u howlgelinta barihii laga koontrooli jirey xuduudaha Dhulka ee Soomaaliya la leedahey dalalka dariska ah.

4) Waxyaabaha kusoo kordhey socdaalada adduunka.

5) iyo iskaashi dhinaca socdaalka ah oo laga yagleelo geeska Africa.

Agaasimaha iyo madaxda hay’adda Socdaalka adduunka ayaa isla qaatey in wadashaqeynta la xoojiyo isla markaana kulamada kale ee kan xiga ay ka dhacaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku qaaday Farmaajo arimo badana soo bandhigay !

Cabdi Cade

DF oo ka digtay dhul boob ka socda xarun dan Guud (Akhriso)

Caydiid Ali

Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada yeelan lahaayeen oo baaqday & Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---