War Deg Deg : Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari oo goordhaw Shir Jaraa’id wada qabtay

Waxaa goordhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulahai Farmaajo iyo Gudoomiyihii is casilay ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Jawaari oo shirka jaraa’id ku horeeyay ayaa sheegay in uu Shirkan jaraa’id u qabtay in Madaxweynaha iyo dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in uu xilka ka degayo maalinta beri oo arbaco ah.

Waxa uu sheegay Jawaari in beri uu hortagi doono golaha Shacabka si uu khudbad ugu jeediyo uguna celiyo amaanadii ay u dhiibteen, waxa uuna intaa raaciyay waxii kale oo dheeraad ah ku fasiri doono hadal jeedintiisa beri.

Dhinaca kale ,Madaxweyne Farmaajo oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa uga mahad celiyay  Jawaari go’aankii taariikhiga ahaa uu qaatay , waxa uu sheegay Madaxweynaha in Jawaari yahay nin nabadoon ah oo qaranka wax badan usoo qabtay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Jawaari marka uu xilka wareejiyo in uusan intaas ku joojin shaqoyinkii qaranku u hayay, waxa uuna xusay in Jawaari wax badan dalka iyo dadka Soomaaliyeed usoo qabtay.

”Go’aankii uu Qaatay Jawaari waa mid taariikhi ah wax shuruud uu ku xirayna malahan ,waxaan ku dhiiro galinayaa Jawaari in uu halkaas kasii wado dadaaladii uu ku bixiyay dowladnimada Soomaaliya gaar ahana qabyo tirka dastuurka” Ayuu yiri Farmaajo.

Shirkan jaraa’id ay goordhaw wada qabteen Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari ayaa imaanaya kadib wadahadl saacado socday ay maanta wada qaateen, waxa uuna Gudoomiye Jawarai shalay ku dhaawaaqay in uu iska casilay Xilkii uu hayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -