Maxkamad kutaala Hargeysa oo Xukun ku riday Wariye Cabdimaalik Coldoon 

Maxkamad kutaala magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa saakay xukun adag oo xabsi ah ku riday Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsi kuyaala Hargeysa.

Cabdimaalik Coldoon ayaa lagu helay dambi ah in uu wax ka sheegay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo sidoo kale Iskuul kuyaala magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo Abaarso.

Maxkamada magaalada Hargeysa ayaa ku xukuntay Cabdimaalik Muuse Coldoon 3-sano iyo iyo lix bilood oo xarig ah, waxaana xukun lagu riday Wariyaha aad uga walaacsan eheladiisa.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo kamid ah wariyaasha ugu caasan deegaanada Somaliland ayaa marar badan lagu xiray Hargeysa, waxaana wariyaha lagu eedeeyay in uu kasoo horjeedo Qadiyada Somaliland sidoo kale madaxdeeda wax ka sheego.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -