Wariye Caan ah oo Wareestay Jeneraal Abuukar Xuud oo Caawa la xiray

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa ciidamada booliiska ee magaaladaasi ka howlgala xabsiga dhigeen Wariye Cabduqaadir Faarax Dulyar oo ka howgala  Muqdisho.

Wariyaha ayaa magaalada Baladweyne duleedkeeda Wareysi kaga soo qaaday Jeneraal Abuukar Xuud oo ciidamo badan ku heesta Duleedka magaalada Baladweyne, Jeneraalkan ayaana kasoo horjeeda maamulka Hirshabelle ee Baladweyne ka arimiya.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada booliiska ayaa caawa u dhacay Hotelka uu magaalada Baladweyne ka degnaa Wariye Dulyar kana xireen, waxaana Wariyaha lala xiray nin kale oo la joogay.

Wariyaasha ka howlgala magaalada Baladweyne oo dadaalo ku bixiyay sii deynta Wariyaha ayaa ku guul dareestay, waxaana Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageel iyo saraakiisha booliiska sheegeen in arinta Wariyaha xiran beri laga wada hadli doono.

Maamulka Hirshabelle uu hormuudka ka yahay Madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi ayaa caburin xoogan ku haya Warbaahinta ka howlagasha magaaladaasi, waxa ay sidoo kale caburin ku hayaan dadka kasoo horjeeda maamulka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -