Dowladda Somalia oo shan qodobo ku soo rogtay doorashada Jubbaland (Akhriso)

Xukuumada Somalia ayaa war ka soo saartay doorashada Jubbaland, iyagoo ka dalbaday maamulka Axmed Madoobe inuu doorashada ku saleeyo si waafaqsan habraaca loogu talo galay.

Wasaaradda arrimaha gudaha Somalia ayaa soo soo saartay illa 5 qodob oo Maamulka Jubbaland laga doonayo iney fuliyaan kuwaasoo ay ka mid yihiin soo xulista xildhibanada iney isla ansixiyaan Odayaasha dhaqanka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulkaas iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in laga rabo beel kasta oo hesha 3 xildhibaan inay midkood ka dhigaan Haween si loo tixgelinayo qoondada Haweenka.

Wasaaradda ayaa amartay si loo fududeeyo geedi socodka Doorashada in goobta doorashada Madaxweynaha Jubbaland lagu qabanayo ay noqoto akadeemiyada Booliska Jubbaland ama Xarunta Q/Midoobay ee Kismaayo

Qodobadan oo dhameystiran ka akhriso War-saxaafadeedka hoose:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -