Meydka Askari Muqdisho lagu dilay bil ka hor oo aan weli la aasin (Sababta)

Askari ka tirsanaa ciidanka Milateriga oo bil ka hor lagu dilay degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir ayaan wali la aasin meydkiisa isagoo ku jira qaboojiye sida laga sii xigtay xubno ka tirsan qoyskiisa.

Nabadoon Xaaji Xasan Calasow Gaab oo ka mid ah ehelka askariga geeriyooday ayaa sababta loo aasi waayey meydka askariga ku sheegay inaysan jirin cid ay kala xisaabtamaan mas’uuliyadda dilka marxuumka.

“Madaxda dowladda waxay haatan qirsan yihiin in si khalad ah uu u dhacay dilka askariga, haatanna waxaa xiran dad loo heysto dilkiisa oo weli la baarayo” ayuu yiri Nabadoon Gaab

Guddi uu hogaaminayo Jen. Bashiir Goobe Taliyaha Ciidanka Asluubta ayuu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay kiiskan waxaana guddiga natiijadii ka soo baxday baaritaankooda ay ku wareejiyeen Maxkamadda Ciidamada sida uu sheegay guddomiyaha Guddiga.

Taliska ciidanka Booliska ayaa sheegay maalintii uu dilku dhacay in ciidamada ammaanka dileen nin burcad ah oo dhac ka waday Suuqa Xamar Weyne, Jen. Bashiir Goobe  ayaa markii dambe qiray in ninka dhintay uu ahaa askari ka tirsan Xoogga dalka.

Lama oga sida dowlada u maareyn doonto kiiskan oo hadda hor yaalla maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -