Dowlada Somalia oo xiriirkii diblomaasi u jartay dalka Jamhuuriyadda Guinea

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasi u jartay dalka afrikada galbeed ku yaalla ee Guinea kadib marti-qaadkii uu dalkaas u fidiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo si Meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibedda Somalia Axmed Ciise Cawad oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho kadib kulankii golaha wasiirada ayaa shaaciyey go’aankan.

“Dowlada Guinea waxay ku xadgudubtay qarannimada iyo midnimada Soomaaliya kadib markii sida Madaxweyne dal ay u maamuustay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqanaya dalkaas” ayuu yiri Wasiirka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia uga digay dalalka kale ee afrika iyo kuwa caalamkaba iney ku dhaqaaqaan talaabooyin ka dhan ah midnimada Soomaaliya oo uu sheegay iney tahay mid muqadas ah ama lama taabtaan.

Waa markii ugu horeysay ee dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay xiriirka u jarto dowlad kale oo ka tirsan caalamka, waxaana sidoo kale jirtay in dowladii ka horeysay ee uu hogaaminayey Xasan Shiikh ay iyana xiligeeda xiriirka u jartay dowlada Iran oo Sacuudiga ay isku dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -