Taliska Booliska Somalia oo faahfaahin ka bixiyey Masuuliyiin loo xiray Musuq

Taliyaha hoggaanka laanta canshuuraha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Janaraal; C/llaahi Xasan Bariise, ayaa sheegay inay socoto baarista dembiyo ku saabsan musuq iyo wax is daba marin lagu eedeeyey Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Ciidankaa Booliska oo loo xiray wax is dabamarin.

Jen. Bariise, ayaa intaa raaciyay in baarista oo iminka ka socota xarunta dembi baarista ee CID-da ay meel wanaagsan marayso, natiijada kasoo baxdana ay la wadaagi doonaan Maxkamadda awoodda u leh dhegaysiga kiiskaas.

Wuxuu sheegay in Dalka Soomaaliya uu muddo badan ku soo jiray kala dambayn laā€™aan, Maalinba maalinta ka dambaysana u tallaabsanayay isku tashi, isla markaana uusan aqbalayn in dhaqaalaha kasoo baxa ganasatada Guryaha iyo dakhli walba ee loogu tala galay in lagu maareeyo howlaha Dowladda in uu shaqsi gaar ah jeebka ku rito.

ā€œMa suuro galeyso mana dhici karayso, mana laga aqbali karo, Qofkii masaakiinta ahaa ee aad ogtihiin Hooyoyaashii Yaanyada ku gedaayay Suuqa iyo kuwa la midka ah ee Canshuur bixiyayaasha ah , wixii ay iyaga lahaayeen ee ay ugu tala galeen in dhaqaalahooda ay Dowladdu ku daboosho howlaheeda Qarannimadana lagu socodsiiyo, in Qof lagu aaminay inta soo qaato uu Jeebkiisa gashto, oo uu isagu ku manaafacaadsado ma yeeleyno” ayuu yiri Taliye Bariise.

Taliyaha hoggaanka laanta canshuuraha ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Dadka caadeystay musuqa ugu digay in ay wax is-daba mariyaan, wuxuuna intaa raaciyay in Dalka uu kasoo kabanayo xilliyadii boobka hantida Dad weynaha, ciddii lagu helana ay mudan doonto ciqaabteeda.

Hadalka Bariise ayaa ku soo aadaya xili maalmo ka hor booliska Somalia ay xabsiga dhigeen madaxii canshuuraha Qaadka ka soo dega garoonka Aadan-cadde iyo rag la shaqeynayey ka dib markii lagu eedeeyey iney lunsadeen dhaqaalo fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -