Wafdi gaaray Dhuuso Mareeb iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug gaaray Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Ergeyga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo.

Wafdiga ay hogaaminayeen Wakiilada Midowga Afrika iyo IGAD waxaa magaalada Dhuuso Mareeb kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa  Francisco Madeira iyo Mohamed Ali Guyo kusoo dhaweeyay xarunta uu ka degan yahay magaalada Dhuuso Mareeb waxa uuna halkaasi kula qaatay kulan gaar ah.

Wakiillada midawga Afrika iyo IGAD u qaabilsan Soomaaliya, ayaa boqgaadiyay dedaallada uu Kheyre horumuudka u yahay ee dib-u-heshiiniista, dib-u-dhiska, u diyaar garowga loogu jiro doorashada Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo qorshaha dib-u-habaynta Ciidanka.

Wafdigan ka socday Midowga Afrika ayaa magaalada Dhuuo Mareeb u tagay la socodka hanaanka dib u hehiisiinta iyo Doorashooyinka la filayo in dhawaan ka dhacdo magaalada Dhuuso Mareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -