Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada federaalka Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shir Heer sare ah oo Nairobi ka dhacaya

Waxaa lagu wadaa in 10-ka bishan July magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ka furmo Shir heer sare ah oo ku saabsan ka hor tagga iyo la dagaallanka waxa loogu yeero Argagixisada.

Shirkan ayaa ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Nairobi ,waxaana shirka xubnaha gudoominaya kana qeyb galaya kamid ah Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay, Antonio Guteres.

Waxaa shirkan looga hadlayo kahor taga fikirka xagjirka iyo la dagaalanka Argagaxisad ka qeyb galaya madax ka socota Wadamada gobolka , waxaana si gaar ah diirada loogu saari doonaa shirkan dhibaaada Argagaxisad ka wadaan qaar kamid ah Wadamada Geeska Afrika

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa kamid ah dowladaha lagu casuumay ka qeyb galka shirkan ka dhacaya magaalada Nairobi, waxaana la filayaa in dowlada Shirkaasi u dirto masuuliyiin ku matala.

 

Related posts

Ciyaartoy si dirqi ah uga bad baaday Weerarkii lagu qaaday Masjidka Al Nuur

Cabdi Cade

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta yeeshay kulan saddex ajando looga hadlay

Cabdi Cade

Miisaaniyadda maamulka Hirshabelle oo la ansixiyay iyo arrimo kale oo muhiim ah oo laga hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---