Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta yeeshay kulan saddex ajando looga hadlay

Kalfadhiga 4aad kulankiisa 12aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo maanta shir Guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar,

Kulanka ayaa Ajandihiisu ahaa:
1) Akhrinta 1aad ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)
2) Akhrinta 2aad ee Hindise -Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed
3) Qeybinta Hindise -Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Dibadda Mudane Isxaaq Mohamuud Mursal ayaa Mudanayaasha Golaha kahor Akhriyay ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) sidoo kale Xoghayaha Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabkae BJFS Mudane Cabdulqaadir Xusen Cabdi (Uurdoox) ayaa Mudanayaasha Golaha kahor Akhriyay Hindise -Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed
Si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, Xildhibaannada ayaa mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedyada kala weydiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arimha dibada iyo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xil.Cabdiqafaar Cilmi Xaange Intaas kadib labada wasiir ayaa faafaahin ka bixiyey su’aalahii la weydiyey.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo soo xirtay kulanka maanta ayaa fartay ku-simaha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Ahna Xoghaye ku-Xigeenka Mudane. Maxamed Cabdullaahi Cabdi (ciyow) in uu ku wareejiyo Guddiyada ku shaqada leh Hishiiska ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) Iyo Hindise -Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed

 

Related posts

Heshiis nuucee ah ayay gaareen madaxweynaha Galmudug iyo siyaasiyiintii diidaneed ?!!

admin

Israel oo shacabka Falastiin ku amartay iney 24 saac uga baxaan Magaalada Gaza

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Xamse Barre oo hambalyo & bogaadin u diray..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---