Ciyaartoy si dirqi ah uga bad baaday Weerarkii lagu qaaday Masjidka Al Nuur

Kooxda kubbadda Cricket-ka ee dalka Bangladesh ayaa si dirqi ah uga bad baaday weerarkii muslimiinta badan lagu laayay ee ka dhacay masaajidka Al Nur ee kuyaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Ciyaartoyda u dhalatay dalka Bangaladesh ayaa afar daqiiqo kahor gaaray masaajidka la weeraray, waxa ayna ciyaartoyda markii uu weerarka bilowday si deg deg ah uga firxadeen Masaajidka Al Nuur.

Wariye la socday ciyaartoyda Bangaladhesh ayaa  sheegay in ay goobta ka baxsadeen markii ay rasaasta bilaabatay, waxa uuna xusay in isaga iyo ciyaartoyda goobta ka carareen ayna galeen goobo bad baado aheyd.

“Ciyaartooyda waxa ay maqleen rasaasta, waxay ay arkeen dadka oo albaabka si halhaleel ah uga soo baxaya, qaarna baska ay hoos galeen” ayuu yiri. Wariyaha la socday ciyaartoda Bangaladesh.

Kooxda kubbadda Cricket-ka ee dalka Bangladesh ayaa la balansaneyd in beri oo sabto ah la ciyaaraan dhigooda xulka New Zealand, ciyaartan ayaana la go’aamiyay in dib loo dhigo waqti aan la cayimin.

Weerarka ka dhacay Masaajida kuttaala dalka New Zealand ayaa lagu dilay dad gaaraya 49-qof, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dad ka badan 40-qof kuwaa oo qaarkood xaalad halis ah ku jira.

 

- Advertisement -