Xukun adag oo lagu riday Nin Al Shabaab hubka u kala gudbin jiray (Daawo Sawirada)

Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday nin dhalinyaro ah oo lagu helay in uu katirsanaa Al Shabaab sidoo kale u qaabilsanaa kala gudbinta hubka.

Maxkamada ayaa sheegtay in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse uu Al Shabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka fudud, waxaana ninkan ciidamada amaanka qabteen isaga oo wada labo biskoolad , sadex qasnad iyo rasaas.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaa ku eedeeyay ninkan in uu ahaa keyd hayaha hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Al Shabaab dilalka gaadmada ah ee lala beegsado dadka dowlada u shaqeeya iyo ciidamada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida  Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa shaaciyay in Maxamed Cabdullaahi Maxkamada ku riday 15-sano oo xabsi ciidan ah uuna heesto racfaan uu ka qaadan karo xukunkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -