Allbanaadir.com
NEWS

Xukun adag oo lagu riday sadex Nin oo ku lug lahaa Weerarkii Jaamacada Gaarisa (Sawirro)

Maxkamad kutaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenta ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday sadex nin oo lagu helay in ay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday Jaamacada Gaarisa 2-dii bisha April ee sanadkii 2015-kii.

Garsooraha Maxkamada ayaa sheegay in sadexda nin lagu helay in ay ku lug lahaayeen weerarkii dhiiga badan ku taaday ee lagu qaaday Jaamacada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.

Maxkamada ayaa xabsi daa’in ku riday Rashid Charles Mberesero oo u dhashay dalka Tanzaaniya, waxa ay sidoo kale Maxkamada midkiiba 41-sano oo xabsi ah ku riday Mohamed Ali Abdikar iyo Hassan Aden Hassan oo Kenyan ah.

Afar nin oo hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa 2-dii bisha April ee sanadkii 2015 weerar ku qaaday dhismaha Jaamacada Gaarisa, waxaana weerarkaasi  lagu dilay dad gaaraya 148-qof oo u badnaa arday jaamacada wax ka baraneysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo ka Xumaaday Falal fool xun oo ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shirkad shidaal qodis ka wadday deegaanka Soomaalida Itoobiya oo shaqada laga joojiyay

Cabdi Cade

Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay Cabashada Jawaari iyo Cabashooyin kale oo loo gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---