Shirkada Boeing oo Magdhaw siineysaa dadkii ku dhintay Shilalkii Itoobiya iyo …

Shirkada diyaaradaha soo saarta ee Boeing ayaa shaaca ka qaaday in malaayiin dollar oo magdhaw ah siineyso dadkii ku dhintay labadii shil ee ku yimid diyaaradaha Boeing 737 Max 8 ee ka dhacay dalalka Indonesia iyo Itoobiya.

War ay soo saartay shirkada Boeing ayey ku shaacisay in magdhaw 100 milyan oo doolar ay siineyso ehelada dadkii ku dhintay diyaaradihii ku bur buray Indonesia iyo sidoo kale dalka Itoobiya.

Shirkada Boeign ayaa sheegtay in lacagtan magdhaw ahaan u bixineyso in aysan ku imaan dacwada ay shirkada ku oogeen ehelada dadkii labada shil ku dhintay balse ay shirkadu iyadu go’aansatay in lacagtaasi bixiso.

Qoraalka ay maanta soo saartay shirkada Boeign ayey ku sheegtay in lacagtan ku caawinayaan ehelada dadkooda ku waayay labada shil oo gaaraya 346-qof oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan.

Maareeyaha guud ee shirkadda Boeing, Dennis Muilenburg ayaa cadeeyay in ay aad uga xun yihiin dadkii ku dhintay labada shil diyaaradeed, waxa uuna xusay ehalada dadkooda ku waayay shilalkaasi aysan ilaawi doonin sanadaha soo socda.

Ehelada dadkii ku dhintay labada shil ee ka dhashay diyaaradaha Boeing 737 Max 8 ayaa dacwad ku oogay shirkada , walina go’aan cad lagama soo saarin dacwadaasi lagu oogay shirkada Boeing.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -