Allbanaadir.com
NEWS

Shirkad shidaal qodis ka wadday deegaanka Soomaalida Itoobiya oo shaqada laga joojiyay

Shirkad qaabilsan qodista iyo soo saarida shidaalka oo laga leeyahay Shiinaha ayaa laga joojiyay qandaraas shidaal qodis ay ka waday dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaddib eedeymo culus oo loo jeediyay.

War kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in shirkadda Poly-PGL oo qeyb ahaan leedahay dowladda Shiinaha ku guuldareesatay inay raacdo heshiiska ku saabsan dhaqaalaha iyo dhanka farsamada ee shidaal soo saarista.

Shirkadan shaqada laga joojiyay ayaa dadka deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa ay horey ugu eedeeyeen inay sumeysay ceelasha biyaha kadib markii ay shirkadda ku daadisay waxyaabo waxyeelleynayo deegaanka.

Shirkadda Poly-PGL ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaan ka hadlin eedeymaha loo jeediyay iyo qandaraaskii shaqo ee laga joojiyay, waxaana la filayaa in maamulka shirkadan arrintan taagan war kasoo saarto.

Dhulka Soomaalida Itoobiya ayaa laga helay ceelal shidaalka laga qodo, waxaana horey Soomaalida Itoobiya uga cabanayeen in aan la siin xaquuqdii ay ku lahaayeen shidaalka dhulkooda laga helay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Dibed baxyada ka dhanka ah Israel ee caawa ka dhacay dunida Islaamka

Caydiid Ali

Yaa Soomaaliya uga qeyb galay Shirka Madaxda Afrika ee ka dhacay Kigali (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Lamaane isku guursaday Gunta Hoose ee Badda iyo hadal heyn ka dhalatay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---