Madaxweyne Farmaajo oo saaka Ubax dhigay taalada Daljirka dahsoon (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon taas oo lagu xusuusanayo halyeeyadii Soomaaliyeed ee wiilasha yo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka.

Ubax dhigan ayaa ahaa mid lagu maamuusayey munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan xuska sannad guurada 59-aad ee xornimada goballada Koofureed ee dalka iyo Midoobidda goballada waqooyi iyo koofur.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kooxda baambeyda Booliska, iyadoo ay halkaas ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan dowlada iyo saraakiil.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa xalay illaa maanta si weyn loo adkeeyey, waxaana xiran jidad badan munaasabada 1-da Luulyo awgeed, waxaana qeybo ka mid ah caasimada ka socda dabaaldegyo waaweyn oo loo sameynayo maalintan qiimaha u leh shacabka Soomaaliyeed.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -