Galmudug oo si adag uga jawaabtay hadal kasoo yeeray Ilhan Cumar

Xildhibaan lhaan Cumar, oo katirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress), ayaa maamulka Biden ka dalbatay qiil u helida duqeyntii Talaadadii ay ka geysteen deegaan katirsan Galmudug oo la sheegay in Al Shabaab ku sugnaayeen.

Ilhan Cumar ayaa sheegtay in muhiim tahay  ficil kasta oo militari uu qeyb ka noqdo istiraatiijiyad ballaaran oo diiradda lagu saarayo amniga dadka Soomaaliyeed iyo xasilloonida dowladnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag uga jawaabay hadalkan kasoo yeeray Ilhan Cumar, waxa uuna Wasiirka sheegay in Ilhan u furan tahay la xisaabtanka Hay’addaja Mareykanka isagoona uga digay in difaac u noqoto Al Shabaab.

”Walaasheen Rep. Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri Fiqi

Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay in uu tagay goobtii duqeynta lala beegsaday, waxa uuna xusay in duqeyntaasi kaliya waxyeelo kaliya kasoo gaartay kooxda Al Shabaab balse aysan shacab wax ku noqon.

”Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Hadalka Ilhan iyo Jawaabta Galmudug ayaa kusoo aadaya xili ciidamada cirka Mareykanka Duqeymo culus ka fuliyeen deegaano katirsan gobolka Mudug oo Al Shabaab ku sugnaayeen,.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -