Askar badan oo ku dhimatay qarax lala beegsaday kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qaraxyo ka dhacay nawaaxiga degmada Bardaale ee gobolka Bay, kuwaasoo lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday miinooyin lagu aasay dhulka ayaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ku socdaalayay wadada xiriirisa degaanka Aw-Diinlle iyo degmada Bardaale.

Qaar ka mid ah gaadiidka ay la socdeen Ciidamada Itoobiya ayaa la tilmaamayaa inuu haleelay qaraxa, waxaana xigay dagaal saacado qaatay oo dhexmaray Xoogaga Al-shabaab iyo Ciidamada Itoobiya.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 11 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya, lana dhaawacay qaar intaas ka badan.

Sheegashadan ka sokow Ma jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkan, welina wax war ah kama soo saarin taliska ciidamada AMISOM ee Somalia.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -