Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo booqday degaan dhowaan laga saaray Al-Shabaab (Sawirro)

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa manta gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose oo ka mid ah degaano dhowaan laga saaray Al-shabaab si ay ugu kuurgalaan xaalada degaanka iyo baahiyaha ka jira oo ay ka mid tahay dhismaha buundada marta bartamaha Bariire.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiir ku- xigeenka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, Wasiirro dowladaha Xafiiska Ra’sal wasaaraha, Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga oo ugu horeyn kulan xog wareysi ah la qaatay saraakiisha ciidanka xoogga ee gacanta ku haya deegaanka kadib waxa ay kormeereen Buundada Bariire oo ay Al-Shabaab burburiyeen sanadkii 2017 si ay u qiimeeyaan Injineero la socday wafdiga.

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage ayaa wafiga ku soo dhaweeyay Bariire wuxuuna sheegay in degaanka ay xasiliyeen ayna rajeynayaan in la gaarsiiyo dadka deegaanka adeegyadii ay u baahnaayeen oo ay ku jirto dhismaha buundada Bariire.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa tilmaamay in dhismaha Buundada Bariire ay muhiim u tahay nolosha dadka deegaanka .

Wasiiro Dowlaha Xafiiska ra’iwasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa dhankisia  in maadaama lagu jiro todobaadka xorriyadda ay ku faraxsan yihiin inay waqti la qaataan ciidanka xoogga ee xureeyay deegaanka Bariire dowladda ay ka garab taagan tahay dadka degaanka.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya xasan Cali Maxamed oo hoggaaminayay wafidga waxa uu sheegay in ciidanka Dowladda sii wadayan xoreynta deegaanada ay Al-shbaaab joogaan iyo ka shaqeynta xasilinta degaanada gacanta dowlada ku soo laabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -