Kheyre oo xalay Saqdii Dhaxe ku laabtay Dhuuso Mareeb iyo Wadahadalo dib u bilowday

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo socdaal ku marayay deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Galgaduud ayaa xalay Saqdii Dhaxe dib ugu laabtay magaalada Dhuuso Mareeb.

Waxaa magaalada Dhuuso Mareeb mar kale dib uga bilowday wadahadaladii u socday Wafdiga Ra’isul Wasaare Kheyre iyo kooxda Ahlu Sunna ee ka talisa Dhuuso Mareeb iyo qeybo kale oo katirsan gobolka Galgaduud.

Wadahadalada labada dhinac oo horey u bilowday ayaa laga yaabaa in maanta lasoo gabo gabeeyo lagana soo saaro war murtiyeed, waxaa sidoo kale suurto gal ah in wadahadalada ay dheeraadaan maadaam aa jiraan qodobo wali la isku mari la’yahay.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa horey waxaa ugu adkaatay labo qodob uu hor dhigay Ra’isul Wasaare Kheyre oo ahaa in Dhuuso Mareeb ay yeelato maqaam caasimadeed amaankeedana la wareegaan ciidamada dowlada federaalka sidoo kale Ahlu Sunna soo wareejiso ciidankeeda si tababar loogu furo loona qarameeyo.

Qodobada la isku mari waayay hadii lagu heshiiyo ayna Ahlu Sunna aqbalaan in amaanka magaaladaasi lagu wareejiyo ciidamada dowlada la filayaa in halkaasi ka dhacdo doorashada Baarlamaanka iyo Hogaanka maamulka Galmudug.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa socdaalka uu ku joogo Galmudug ku doonaya in la dhiso maamul lagu mideesan yahay oo ka tayo wanaagsan maamulkii hore ee hada waqigiisu dhamaaday.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -