Khalifa Haftar oo Hanjabaad culus hawada u mariyay Turkiga Amaro adagna bixiyay

Jeneraalka doonaya in uu xoog kula wareego talada dalka Liibiya ee Khalifa Haftar ayaa hanjabaad culus hawada u mariyay dowlada Turkiga uu ku eedeeyay in ay taageero siiso ciidamada kasoo horjeeda.

Waxa uu ku hanjabay jeneraalka in uu weerari doono danaha Turkiga ee dalka Liibiya, waxa uu sidoo kale amar ku siiyay ciidamadiisa in ay weeraraan shirkadaha, Maraakiibta iyo Diyaaradaha Turkiga ee Liibiya ku sugan.

Jeneraal Khalifa Haftar oo ka careesan guul daro dagaal oo soo gaartay ayaa sidoo kale amar ku siiyay ciidamada daacada u ah in ay soo xiraan muwaadiniinta Turkiga ee ku sugan gudaha Liibiya.

Ciidamada ka soo horjeeda Xaftar ee taageera dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Liibiya ayaa dagaal xoogan ku qabsaday magaalada Istaraatiijiga ah ee Gharyan, ka dib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen.

Ciidamadan taageersan dowlada Liibiya ayaa  qabsaday saldhigii ugu weynaa ee saadka ciidamada Xaftar ee muddada bilaha ka badan weerarka ku waday Tripoli, waxa ayna ciidankan dileen askar badan oo daacad u aheyd Jeneraalka xil doonka ah.

Jeneaalka Haftar ayaa qirtay guul darada kasoo gaartay magaalada Gharyan, waxa uuna ku eedeeyay ciidamada qabsaday uu sheegay in Turkiga taageero ka helayay in ay dileen ciidamo badan oo dhaawac ahaan Isbitaalada u jiifay.

Eedeyta kasoo yeertay Jeneraal Khaliifa Hafar waxaa si adag u beeniyay masuuliyiin katirsan dowlada Liibiya iyo ciidamada Dowlada taageera, waxa ayna sheegeen in eedeyntaasi qiil ugu raadinayo guul darada dagaalka kasoo gaartay.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -