Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gaadiid dagaal & Maleeshiyo lagu wareejiyey Raisul Wasaare Khayre (Daawo Sawirro)

Mas’uuliyiinta iyo waxgaradka degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa Ra’iisal wasaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku wareejiyay Gaadiid dagaal iyo Maleeshiyo hubeysan oo degaankaasi kasoo jeeda.

Gaadiid kuwa loo yaqaan tiknikada oo gaaraya 11 oo ay ka mid yihiin 2 Beebe iyo Maleeshiyaad hubeysan oo 100 ka badan ayaa lagu wareejiyay Ra’iisal wasaaraha, waxaana hubka iyo ciidamadan ay hore dagaallo faraha looga gubrtay ula galeen ciidamada Ahlusunna oo ku duulay degaanka Xeraale.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa markii uu la wareegay maleeshiyada iyo hubka degaanka Xeraale ayaa sheegay in dhaqan celin loo sameyn doono, isla markaana ay ka mid noqon doonaan Ciidanka xoogga dalka.

Wafdiga raisul wasaaraha ayaa lagu wadaa iney beri gaaraan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud sida qorshuhu yahay halkaasoo ay ka socoto qaban-qaabo lagu soo dhoweynayo, isagoo horey u soo maray Dhuusamareeb, Cadaado iyo Caabudwaaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masar oo ka carootay tallaabo uu qaaday Hoggaamiyaha Suuriya amarna soo..

Cabdi Cade

Qayb cusub oo lagu kordhiyay BBC News Somali TV oo billaabaneysa toddobaadka soo socda

admin

Qaramada Midoobay oo Baaq cusub kasoo saartay Doorashada ka dhaceysa Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---