Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda sare ee Puntland oo talo sharci kasoo saartay Go’aankii Isimada Khaatumo

Guddoomiye kuxigeenka Maxkamada sare ee maamulka Puntland Axmed Sh Cumar Xasan, ayaa talo sharci kasoo saaray go’aankii Isimada SSC Khaatumo ee ku aadanaa ka bixitaankooda Puntland.

Axmed Sh Cumar Xasan ayaa sheegay in go’aanka Isimadu uu baalmarsanaa habraaca heshiisyada iyo ka bixistooda Puntland, waxa uuna soo jeediyay saddex qodob oo sharci ahaan macquul la ah.

Guddoomiye kuxigeenka maxkamadda sare ee Puntland ayaa soo jeediyay in Puntland doorasho u qabsato qaabkii hore ee loo qaban jira iyo in doorasho dib loo dhigo inta xal looga helayo go’aanka isimada Khaatumo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Danab oo goor dhow Al-Shabaab kala Wareegay degmada Aw-Dheegle

Caydiid Ali

Agaasime Sambaloolshe oo dibeda ugu ambabaxay safarkii ugu horeeyey

Caydiid Ali

Sidee RW Xamse Barre iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Doha? (Dawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---