Godad ay Al Shabaab hubka iyo Raashinka ku keydsan jireen oo la bur buriyay (Daawo Sawirada)

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen buuraha Caalmadow ee gobolka Bari waxa ay ku bur buriyeen godad la sheegay in Al Shabaab ku keydsan jireen hubka iyo raashinka.

Qoraal kasoo baxay laamaha amaanka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada PSF ay howlgal qorsheesan ka sameeyeen degaanada Dhagaxdhaabur, Madarshoon iyo Ceel Qaraar ee Buuraha Cal Madow.

”Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda CalMadow”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Laamaha amniga Puntland.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay sii wadayaan hawlgallada gaarka ah ee lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama buuraha gobolka Bari .

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -