Cabdimaalik Yuusuf & Xubno kale oo Muqdisho lagu xiray iyo Sababta oo la ogaaday

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in maanta xarunta Dambi baarista CID-da lagu xiray Cabdimaalik Yuusuf oo ahaa Madaxa canshuurta cargo iyo Jaadka kasoo dega garoonka Muqdisho.

Cabdi Maalik iyo 8-xubnood oo kale ayaa la sheegay in xafiiska Hanti dhowraha Qaranka uu kusoo eedeeyay musuq maasuq, waxaana xubnahan la xiray ku socda baaritaano laamaha amaanka gaar ahaan kuwa Musuq maasuqa la dirira ku wadaan.

Xafiiska Hanti Dhowraha Qaranka ayaa la sheegay in baaritaano iyo dabagal kadib ay ku ogaadeen in xubnahan la xiray ay ku howlanaayeen musuq maasuq iyo wax isdaba marin, waxaana la filayaa in dadkan maxkamad lasoo taago.

Cabdimaalik Yuusuf Milkiilaha Idaacada Shabelle

Cabdimaalik Yuusuf oo ah Milkiilaha Idaacada Shabelle ayaa mudooyinkii dambe ahaa shaqaale katirsan Wasaarada Maaliyada gaar ahaan qeybta canshuuraha uu u qaabilsan garoonka gaar ahaan canshuurta laga qaado jaadka Muqdisho kasoo dega.

  Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -