Meydka Nin Kenyan ah oo Sabab layaab leh Qabriga looga soo saaray !! (Daawo Sawirro)

Dalka Kenya waxaa ka dhacday arin dad badan layaab ku noqotay kadib markii meydka nin dhintay laga soo saaray qabrigii lagu duugay si looga siibo dhar uu xirnaa markii la aasayay.

Martin Shikuku Alukoye ayaa bishan gudaheeda dhintay kadib markii uu biyo ku haftay, waxaana ninkan lagu aasay dhar gaar ah ay lahaayeen adeegga dhalinyarada ee ismaamulka Kakamega ee dalka Kenya.

Masuuliyiin katirsan ismaamulka Kakamega ayaa amray in ninkan dhintay laga soo saaro qabriga si looga saaro dharkii uu xirnaa , waxaana arintan dad badan ku noqotay layaab iyadoona laga hadal hayo baraha bulshada.

Xaaska ninka geeriyooday ee lasoo faagay ayaa sheegtay inay aad uga argagaxday falkaas, waxayna ayna xustay in soo qufitaanka meydka uu kusii badiyay xanuunkii ay markii horeba ka qaadday geerida ninkeeda.

“Tallabadan waxay igu sii kordhisay murugada aan markii horeba ku jiray, carruurteyduna wali way yayar yihiin, ilaa maalintii aan dhashay ma arkin wax sidaan oo kale ah, waxaan ka codsan lahaa inay iska key dhaafaan”, ayey ku tiri xaaska ninkan ka geeriyooday.

Adeerka ninka geeriyooday ayaa sheegay in markii meydka aasayeen ay la tashi la sameeyeen ismaamul goboleedka , waxa uuna xusay in aysan ka diidin codsigoodii ahaa in ay  ku aasaan dharkiisii shaqada.

“Waxaan aasnay wiilkeenna xilli habeennimo ah annagoo u hoggaansameyna dhaqankeenna oo dhigaya in qofka biyaha ku dhinta aan la aasin xilli ay qorraxdu soo jeeddo, laakiin mas’uuliyiinta maamulku waxay naga yaabiyeen markii ay meydka usoo qufeen dharkooda dartiis”, ayuu yiri Mr Mutamba oo adeer u ah ninka geeriyooday.

Qoyska ninkan qabriga laga soo saaray ayaa sheegay in ay ka hor yimaadeen in meydka lasoo faago, hasa ahaatee masuuliyiinta ismaamulka ay si qasab ah meydka kusoo saareen ugana saareen dharkii lagu aasay ninka ka geeriyooday.

Dhacdadan ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha dalka Kenya, waxaana dadka isticmaala baraha bulshada si weyn u dhaliileen dadkii ka dambeeyay talaabada meydka qabriga looga soo saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -