Al-Shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin 75 jir ah oo isla guursaday gabar & hooyadeed

Maxkamad ay leedahay Xarakada Al-shabaab ayaa xukun Dil ah ku fulisay Oday da’diisa lagu sheegay 75 sano oo lagu soo eedeeyay inuu isla guursaday gabar iyo hooyadeed.

Falkan yaabka leh ayaa ka dhacay Gobolka Sh/Hoose, waxaana goob fagaare ah lagu toogtay shalay gelinkii dambe nin lagu magacaabi jiray Abshir Maxamad Cabdi, ka dib markii lagu eedeeyay inuu isla guursaday Caddeey Manuur Khaliif iyo hooyadeed Xaawa Cabdi Biille, waxayna maxkamadda Alshabaab ku xukuntay Dil lagu fuliyey.

Ninkan ayaa la sheegay inuu soo dacweeyay Xassan Khaliif Aadan oo adeer u ah Caddeey, isagoo ku eedeeyay inuu gabadhooda guursaday, kadibna hal Canug ay u dhashay, xilligaas isagoo horey u qabay hooyadeed Xaawo Cabdi.

Oday Abshir ayaa la sheegay inuu la dhuuntay gabadha, isagoo meel miyi ah ku nikaaxsaday, kadibna la dhaqmay, Waxaana uu beeniyay inuu qabo gabadha hooyadeed, balse waxaa uu qirtay inuu guursaday gabadha.

Shareecada islaamka ayaa xaaraantinmeysay in ninku uu gabar iyo hooyadeed isla guursado xitaa haddii uu midkood horey u soo furay.

Dadka degaanka uu ku noolaa ayaa la sheegay inay ku markhaati fureen, iyagoo caddeeyay inuu Oday Abshir uu hore u qabay gabadha uu guursaday hooyadeed

Qaadiga Alshabaab ayaa go’aamiyey in dil lagu fuliyo, mar haddii isagoo og uu ficilkaasi u bareeray, waxaana uu intaas ku daray in xukunkiisa loo cuskaday shareecada Islaamka.

  Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -