Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo baaqday iyo sababta ka dambeysa

Waxaa maanta lagu waday in magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka furmo shirkii Golaha Amniga Qaranka , hasa ahaatee shirkan ayaa u baaqday sababo aan wali la cadeyn.

Shirkii golaha Amniga Qaranka ku yeesheen magaalada Muqdisho bishii Febraayo ee sanadkan ayaa lagu sheegay in shirkooda xiga 28-ka bisha Marso ka dhici doono magaalada Baydhabo.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in uu baaqday shirkii Golaha Amniga Qaranka ee lagu waday in uu ka dhaco Baydhabo, Wasiirka kama uusan hadlin sababaha baajiyay shirkan.

Sida aan Wararka ku heleyno shirkan ayaa u baaqday sababo la xiriira khilaafka ka dhax aloosan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Mooshinka Baarlamaanka horyaala ee laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa khilaafka Baarlamaanka ka dhax aloosan saameyn ku yeeshay, waxa ayna Madaxda ku kala aragti duwan yihiin khilaafkaasi Baarlamaanka ka dhax jira.

Dowlada Federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada ayaan ka hadlin baaqashada shirkan iyo sababaha keenay, sidoo kale wali lama shaacin xiliga uu shirkan mar kale dhici doono.

Sabatida ayaa la filayaa in Baarlamaanka la horgeeyo Mooshinka Jawaari laga keenay, waxaama la filayaa in meel u dhaco khilaafka Baarlamaankl dhax yaala oo curyaamiyay shaqooyinkii dowlada.

Khilaafka Siyaasadeed ee taagan kana dhax aloosan Baarlamaanka ayaa sidan oo kale u baajiyay shir la filayay in Madaxda maamul goboleedyada dalka ku yeeshaan magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntland.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -