Maalinta Caalamiga Ah ee Yoogada oo Garawe si weyn looga xusay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeyb galay maalinta caalamiga ah ee Yoogada oo ah jimicsi fudud inta badana maanta laga xusayo dunida.

Madaxweynaha Puntland oo uu weheliyo safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya Ambassador Rahul Chabbra ayaa kala qeyb galay munaasibadda maalinta caalamiga ah ee Yoogada dhallinyaro ciyaaraysa jimicsiga fudud ee ciyaartaasi, waxaa lagu qabtay garoonka cagaaran ee Chief oo ku yaalla xaafadda Kowda Ogos ee caasimadda Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhoweeyey in la taageera jimicsiga ka qayb qaadanaya caafimaadka dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada.

“Runtii Jimicsiga noocaan ah dalku aad buu ugu baahan yahay, nolosha Soomaalidu waxay u badan tahay fadhi iyo socod, dhaqamada Caafimaadka ku saabsan in aan horumarino aad bay muhiim u tahay, hadda ka dibna idinka macalimiin noqon doona”.

“Waan soo dhowaynayaa safiirka iyo wafdiga la socda iyo maalinta caalamiga ah ee Yoogada, tani waxay astaan u tahay wanaajinta xiriirka ay Hindiya la leedahay Soomaaliya, in dhaqanka wanaagsan ee caalamka la soo minguuriyo aad bay muhiim u tahay, wixii nolosheena faa’iidada u leh, dhaqamada xun xuna aan ka dheeraano”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -