Masjid Taariikhi ah oo kuyaala Muqdisho oo dib u dhis lagu sameenayo (Daawo Sawirada)

Magaalada Muqdisho waxaa kuyaala Masjidyo taariikhi ah oo sanado badan dhisnaa, masaajidaasi qaarkood ayaana xiligan bur bursan, waxa ayna dhibaato xoogan soo gaareen xiliyadii dagaalada sukeeye dalka ka socdeen.

Masjidka Faqrudiin oo ku yaalla Degmada Shingaani ayaa kamid ah masjidyada taraiikhi ah ee sanado badan dhisnaa, waxaana masjidkan oo bur buray mar kale la doonayaa in dib u dhis balaaran lagu sameeyo.

Sheekh Shaafici Sh Maxamed, oo ka mid ah maamulki hore ee Masjidka Faqrudiin ayaa sheegay in  Masjidkani la dhisay 7 Qarni ka hor, isla markaana loo baahan yahay in dib u dhis weyn lagu sameeyo maaddaama uu ku bur-buray dagaaladii sokeeye .

Wasaarada Owqaafta iyo arimaha diinta xukuumada Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu doonayo in mar kale masjidkaasi dib loo dhiso, waxaana halka uu kuyaalo masjidka booqday Wasiir kuxigeenka Wasaarada Owqaafta iyo arimaha Diinta iyo masuuliyiin kale.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta , Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay xoogga ay saareyso dib usoo celinta Masaajidda Taariikhiga ah ee Dalka, waxa uuna bulshada ugu baaqay ka qeyb qaadashada dib u dhiska masaajida taariikhiga ah.

Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta, Sheekh Cali dheere, ayaa sheegay in Masjidkan uu kamid yahay goobaha Taariikhiga ah, isagoo Ummadda Soomaaliyeed iyo Dowladduba ugu baaqay in laga qeyb qaato dhismahiisa.

Masaajid badan oo kuyaala magaalada Muqdisho ayaa dib u dhis lagu sameeyay, waxaana wali jira Masaajid sanado badan ku yaalay magaalada oon helin dib u dhis kadib bur bur xoogan oo kasoo gaaray dagaaladii sukeeye ee dalka ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -