Dowlada Somalia oo laashay dacwad ay ku soo oogtay Wasiir ka tirsan Jubbaland (Akhriso)

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir 30-kii Bishii April ee 2019 ayaa lagu caddeeyay in xeer ilaalinta dowladda Somalia ay ka noqotay dacwad ay ku soo oogtay Wasiirka Maaliyadda maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Qoraalkan oo muddo laba bilood ku dhow yaallay ayaa hadda loo dusiyey saxaafadda, iyadoo lagu soo beegay xilli uu C/rashiid Janan socdaal qarsoodi ku yimid Muqdisho, lama oga ujeedada laga leeyahay faafinta qoraalkan oo muujinaya in Maxkamadda G/banaadi ay xirtay dacwadii loo heystay mas’uulkan ayna burisay amarkii soo qabashada ahaa ee ay soo saartay.

Maxkamadda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay burisay amar soo qabasho ah iyo horkeenid Maxkamadeed oo horay u soo baxday, waxaana lagu faray Hoggaanka Baarista Dambiyada iney laabaan gal dacwadeedka C/rashiid Janan.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAXKAMADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -