RW Khayre oo kulan la qaatay Madaxda sare ee Maamulka Galmudug (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo hoggaamiyaha guud ee Ahlusunna, Macalim Maxamuud Sheekh Xasan.

Wararka ayaa sheegaya in la isku soo qaaday sidii dib u heshiisiin loo bilaabi lahaa, lana isku keeni lahaa dadka reer Galmudug isla markaana loo qaban lahaa doorashada hogaanka maamulkaas, mana jiro war saxaafada loo sheegay oo ka soo baxay kulankaas.

dhinaca kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay wax ka bedeshay qorshaha ay ka damacsaneyd Galmudug oo markii hore loo arkayay inay hal dhinac la macaamileysay, balse waxay haatan bilowday isku day dhinacyada Galmudug ula xaajoneyso, si xaalada loo dejiyo, loona helo Galmudug mideysan.

Khayre ayaa ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu maanta safar dhulka ah ku tagayo magaalada Cadaado oo ay ku sugan yihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, wafdi Xildhibaano ka yimid Muqdisho oo uu horkacayo Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare.

Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia ayaa lagu wadaa iney gaaraan maanta magaalada Cadaado kuwaasoo la sheegay iney hordhac u yihiin wafdiga raisul wasaaraha ee ku wajahan Cadaado galabta ama beri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -