Siyaasi Mucaarad ah oo kashifay sababta kooram la’aanta kulamada Baarlamanka

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajahan sababta keentay kooram la’aanta sababtay iney baaqdaan kulamadii ugu dambeeyey ee baarlamanka Somalia.

Qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ayuu arimahan kaga hadlay isagoo ku bilaabay sidan:-

Maxaa kooramka Golaha Shacabka loo la’yahay?

Guddoonkii Golaha shacabka qayladii ayaa ka dhammaatay, siday u lahaayeen kooramkii ma buuxsamin. Haddii ay magacyada xildhibaannadii maqnaa yeeriyeen oo ay guddiga anshaxa u direen, oo ay gunno ayaan ka jaraynaa ugu hanjabeen , welina dheg jalaq looma siin. Baarlamaanka waa hay’adda ugu muhiimsan ee dalka, lafdhabarna u ah dhismaha nabadda & dawladnimada dalkeenna, haatanse waxay u muuqataa in macno iyo miisaan beel ku dhacay. Ma xildhibaannadaa masuuliyadda leh mise guddoonka?

Xildhibaannada haddii aad warsato waxey ku leeyihiin maxaa laga qabanayaa meesha mar haddii Golihii uusan ku howl-laneyn isla xisaabtan, hortebin uusan siinaynin hawlihii uddub dhexaadka u ahaa dhismaha nabadda qaranka Soomaaliya, ma shirbarayahow heesa ayaan halista qaraxa ugu soo bareernaa.

In badan oo xildhibaannada ka mid ah halkii ay kulammada Golaha Shacabka ka qayb geli lahaayeen, waxey aadaan xafiisyada madaxda laanta fulinta ( Madaxweynaha & Raysalwasaaraha) iyo taliyaha Nabadsugidda, si ay danahooda gaarka ah ama kuwo dad ay wakiilo ka yihiin kaga soo fushadaan .

Xildhibaan ayaa igu yiri “waxaan dib u jaleecaa dadaalkii waqti, hanti iyo galaangal ee kursiga xildhibaannimada iiga soo baxay iyo sida xaalku yahay, dadka waxaan dheernahay oo keli ah in aan haysanno kaarar aan jidadka xiran ku marno, xafiisyada xukuumadda ku galno iyo waa xildhibaan hebel nala yiraahdo”

Golaha Shacabku wuxuu macno iyo miisaan yeelanayaa markii loo arko in uu xukuumadda la xisaabtamayo ama uu ku mashquulsan yahay hawlaha hortebinta u leh dhismaha dawladnimada. Gudoonka masuuliyad weyn ayaa ka saaran in ay Golaha kaalintiisii u celiyaan oo ay laanta fulinta ka madax baneeyaan, haddii kale in dhaaxa ah waxay dhihi doonaan, kooram la’aan ayuu kulankii u baaqday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -