Dowlada Somalia oo go’aan ka qaadatay wadahadalo ay la yeelan laheyd Somaliland

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadacday shir maanta lagu waday iney ay ku wada hadlaan Somaliland oo ka dhici lahaa magaalada Nairobi.

Hadalkan waxaa xaqiijyey Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Fursade oo ka mid ahaa xubno horey loo sheegay iney dowlada ku metelayaan wadahadalkaas.

“Kama qeyb galayso Dowladda Federaalka Soomaaliya shirka la sheegay inuu Nairobi ka dhacayo balse waxay xaqiijinaysaa inay diyaar u tahay wada hadallo mira dhal ah in lala furo Somaliland marka goobta, ajendaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo” ayuu yiri agaasimaha madaxtooyada oo hadalkan soo dhigay bogiisa Twitterka.

Shirkan ayaa noqon lahaa mid heerkiisu hooseeyo ayaa waxaa soo agaasimay heyad NGO ah oo ka shaqeysa dhinaca wadahadalka iyo bani aadamnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -