Reer Cadaado oo go’aan kasoo saaray in Xaaf soo dhaweenayaan iyo in kale (Sawirro)

Magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamulka Galmudug waxaa saakay kulan deg deg ah ku yeeshay waxgaradka iyo siyaasiyiinta magaalada Cadaado ,kuwaa oo ka arinsanayay sida ay ka yeelayaan Madaxweyne Xaaf oo kusoo wajahan.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ku kulmay magaalada Cadaado ayaa watashi dheer kadib isku raacay in Madaxweynaha Galmudug Xaaf lagu soo dhaweeyay magaalada Cadaado oo mudo ku dhaw labo sano ka maqnaa.

Qaar kamid ah waxgaradka Cadaado ayaa sheegay in Xaaf xiriir lasoo sameeyay kana codsaday in uu u yimaado , waxa ayna cadeeyeen in ay soo dhaweenayaan hadii uu go’aansaday in uu dib ugu soo laabto Cadaado uu horey uga tagay.

Madaxweynaha  Galmudug Axmed Ducaale ayaa hada ku sugan deegaanka Godinlabe ee duleedka magaalada Cadaado, waxa uuna Xaaf isku diyaarinayaa in uu tago Cadaado uu wax badan ka maqnaa lana kulmo waxgaradka iyo siyaasiyiinta magaaladaasi.

Xaaf ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku sheegay in doorashada Madaxweynaha Galmudug ay ka dhaceyso magaalada Cadaado , halka dowlada federaalka Soomaaliya dhankeeda shaacisay in Dhuuso Mareeb ka dhacdo doorashada.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda magaalada Cadaado ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan gaaraan magaalada Cadaado, waxa ayna Xubnahan ka shaqeyn doonaan in Xaaf saldhigto magaalada Cadaado uu horey uga tagay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -