Xafiiska Rooble oo shaaciyey Xiliga uu Muqdisho ka furmayo Shirkii Golaha wadatashiga

Dib u dhac kooban ayaa yimid shirkii maanta lagu waday inuu Muqdisho uga furmo xubnaha golaha wadatashiga Qaranka oo ka kooban RW Rooble iyo madaxda shanta dowlad goboleed ee dalka kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Dib u dhaca shirka ayaa loo aaneynayaa safar uu dalka kaga maqnaa Rooble oo galabta ku soo laabtay dalka & qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada oo weli aan soo gaarin Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si rasmi ah uga furmaya Afisyoone  maalinta Sabtida 21-ka Agoosto, 2021 sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiidka Rooble.

“Kulanka oo uu shir guddoomin doono R’iisul Wasaare Rooble waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Raisul Wasaaraha.

Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa maanta Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirkan, waxaana horey u joogay caasimada hogaamiyaha Hirshabelle, iyadoo maalinta beri oo Jimco ah la filayo iney yimaadaan madaxda Jubbaland & Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -