C/Kariin Xuseen Guuleed oo siyaasada dib ugu soo laabtay iyo Sababta keentay

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed sidoo kale horey usoo noqday Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in uu dib ugu soo laabanayo siyaasada uu mudo ka maqnaa.

Siyaasigan ayaa iska casilay xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug kadib arimo caafimaad oo lasoo darsay, waxa uuna xiligaa kadib go’aansaday in uu siyaasada isaga fariisto kadib talooyin caafimaad oo la siiyay.

Qoraal uu soo saaray Mr Guuleed ayuu hada ku sheegay in uu siyaasada dib ugu soo laabanayo kadib markii ay meesha ka baxday xaaladii markii hore kaliftay in uu siyaasada isaga fariisto..

Waxa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Galmudug in uu hada bilaabay unkida xisbi siyaasadeed weyn , waxa uuna xusay in xisbiga cusub ay sameenayaan bah wadaag la noqon doono xisbiyo kale oo dalka ka jira.

Cabdikariin Guuleed ayaa horey waxa ay isku xisbi iyo koox ahaayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo hada Hogaamiya xisbi siyaasadeed dalka ka jira, lamana oga in labada nin ay siyaasada ku kala tageen iyo in mar kale isbaheyso noqon doonaan.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu Cabdikariin Guuleed ku shaaciyay in Siyaasada kusoo laabanayo 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -