Dowlada Somalia oo War ka soo saartay afgembigii fashilmay ee gobolka Amxaarada Itoobiya

Xukuumada federaalka ah Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay isku daygii afgambi ee ka dhacay Gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya kaasoo lagu dilay masuuliyiin iyo saraakiil badan.

Waxaa ka mid ahaa xubnaha la dilay taliyihii ciidamada milateriga Itoobiya, Madaxweynihii degaanka Axmaarada iyo saraakiil kale.

War-saxaafadeed caawa ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowladdu tacsi u direyso mas’uuliyiinti lagu dilay isku dayga fal dambiyeedkii afgambiga ahaa.

Raisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in la soo afjaray afgembigaas lana xirxiray qaar ka mid ah ciidamadii ka dambeeyey, xaaladuna ay gacanta ku heyso dowladdiisa.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEKA DOWLADA SOMALIA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -