Madaxweyne Xaaf oo goordhaw isaga baxay Dhuuso Mareeb iyo xog ku aadan halka uu…

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu goordhaw safar dhinaca dhulka ah uga baxay magaalada Dhuuso Mareeb uu mudooyinkan ku sugnaa.

Sida aan Wararka ku helnay Xaaf oo xaalad siyaasadeed oo cakiran ku qabsatay magaalada Dhuuso Mareeb ayaa go’aansaday in uu isaga tago magaaladaasi, waxaana la filayaa in safar dhinaca dhulka ah ku tago magaalada Gaalkacyo uu taageero ku heesto.

Xaaf iyo xubno la socda  waxaa magaalada Dhuuso Mareeb duleedkeeda ka galbiyay gaadiid dagaal oo shalay halkaasi soo gaaray, waxaana Xaaf la filayaa in safar dhinaca dhulka ah kusii maro magaalada Cadaado uu mudo badan cag saarin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababaha soo dedejiyay safarka deg dega ah ee Madaxeweyne Xaaf uga baxay Dhuuso Mareeb salka ku heyso kadib markii uu ka war heley in Ra’isul Wasaare Kheyre uu kusoo jeedo Dhuuso Mareeb.

Magaalada Dhuuso Mareeb waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay Xaaf kula sugnaa Wafdi ka socda dowlada federaalka oo halkaasi tagay isaga oon raali ka aheyn, waxa uuna Xaaf diiday in uu la kulmo wafdiga dowlada uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -