Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Faahfaahino ka soo baxaya Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Ugu yaraan Saddex askari oo ka tirsan ciidamada milateriga dowlada ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo loo adeegaday miino lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamada dowlada oo marayey degaanka Weydow oo ka tirsan degaanada ku teedsan wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxan ay sidoo kale ku dhaawacmeen illaa shan askari oo ka tirsan ciidamada dowlada.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada la qarxiyey ay ka yimaadeen degaanka Sabiid ee gobolka Sh/hoose oo ka mid ah degaano laga saaray dhowaan kooxda Al-Shabaab.

Xaalada iyo isku socodka wadada Muqdisho iyo Afgooye ayaa hadda caadi ku soo laabatay ka dib markii ay saacado kooban xireen ciidamada amaanka oo goobtaas gaaray, iyadoo qaraxyada noocan ah ay marar badan ku soo laalaabteen wadadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Xassan Shiikh oo xariga ka jaray xarun dhexe oo loogu talo keydinta..

Caydiid Ali

Shirkadda AIRBUS oo sameysay nooc cusub oo dayuurad rakaab ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo ka qeyb galay isku soo bax lagu xusayey 1-da Luulyo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---