Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aqalka sare oo u codeeyey Xeer Muhiim ah oo wax laga bedelay (Daawo Sawirro)

Golaha Aqalka Sare BFS ayaa Kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare BFS maanta oo Sabti ah,Kalfadhiga 5 aad Kulankiisa 9 aad.

Ajandaha kulanka ahaa :Akhrinta 3 aad ee dib-u-eegista Xeer-hoosadka Golaha Aqalka Sare ,waxaana shir Guddoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Guddomiyaha Guddiga Xeer hoosadka anshaxa Xasaanada ,Senatar Xasan Faarax Xujaale ayaa Senatarada u akhriyay qodobada wax ka badalka lagu sameeyay dib-u-eegista Xeer-hoosadka Golaha Aqalka Sare. Intaa ka dib,Golaha Aqalka Sare ayaa codeeyn u qaaday Akhrinta 3 aad ee dib-u-eegista Xeer-hoosadka Golaha Aqalka Sare.

Ugu danbeeyntii Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ,Mudane Cabdi Xaashi Cabullahi ayaa ku dhawaqay natiijada codeeyn Gacan taaga ah.Waxaa ogaaladay 29 Senatar ,mana jirin xibin diiday ama ka aamustay.

x

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mashruuc lagu Dhisayo Wadooyinka Muqdisho Iyo Berbera oo Muqdisho lagu kala saxiixday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qarax goor dhow lagu burburiyey Buundadii degmada Buulo Burde (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Turkiga oo shaaciyay saameynta ka dhalan karta duullaan lagu qaado Iran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---