Xassan Shiikh oo ka qeyb galay isku soo bax lagu xusayey 1-da Luulyo (Sawirro)

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa ka qeyb galay dibed bax ay ka qeyb galeen kumanaan dadweyna ah oo isugu soo baxay garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho halkaasoo ka dhacday munaasabad lagu maamusayay xuska 63-sano guuradii kasoo wareegatay xiligii ay gobolada Koonfureed ee Soomaaliya Xorriyada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowga Gobolada Waqooyi iyo Koonfur.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), wasiiro katirsan XFS, Taliyaasha Ciidamada qalabka sida iyo xubno kale.

1-day Luulyo oo ah maalin qiima badan oo ku weyn quluubta Malaayiinta ummada Soomaaliyeed, ayaa munaasabad maalintaan lagu weyneynayay lagu qabtay Garoonka Stadium Muqdisho halkaas oo ay ka dhacday tartan kubada cagta ah oo u dhaxeeyay kooxaha Muqdisho City iyo FC Horseed.

Madaxweynaha Somalia ayaa ka sheegay Munaasadaas muhimada ay leedahay 1da Luulyo, isagoo dhinaca kale hadlay xaalada dalka gaar ahaan dhinacyada amaanka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, Waxbarashada.

Xassan Shiikh ayaa sheegay in dowladiisa ay mudada u hartay xooga saareyso arrimo ay ka mid yihiin kala ah ciribtirka iyo la dagaalanka Al-shabaab, xoojinta amaanka dalka, dhameystirka dastuurka, la dagaalanka musuqa iyo qodobo kale, isagoo shacabka ugu baaqay iney dowlada ku gacan ku siiyaan gudashada waajibaakooda.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO IYO KHUDBADA XASSAN SHIIKH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -