Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada NISA oo qabtay xubno badan oo ku dhax jiray dowladda una shaqeenayay Al Shabaab

Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabatay wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ay gacanta ku soo dhigtay 10 basaasiin u ahaa Al Shabaab ,kuwaas oo ku dhaxjiray hay’adaha Ammaanka.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in kuwa kale oo ay kamid yihiin Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali kuwaas oo ka tirsanaa hay’adaha amniga, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku war-galiyay in aan lala tacaamuli karin kuwa baxsadka ka ah sharciga iyo laama amniga dowladda.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa intaas ku daray in la bilaabay gabagabeeynta howlgalka wajiga koowaad ee Al Shabaab ka dhanka ah oo looga ciribtiray goobah ay ku harsan yihiin,lagana bilaabi doono Galmudug iyo Hirshabeelle si loogu gudbo wajiga labaad ee dagaalka.

Dhanka kale waxaa u intaas ku daray in dhawaan u la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo kooxda Al Shabaab ee wali maamusha qeybo badan oo katirsan Al Shabaab.

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey dagaalo iyo qaraxyo ka dhacay nawaxiga degaanka Basra

Caydiid Ali

Haween ciyaaraya K/Cagta oo lagu arkay garoomada Xaafadaha Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Guddiga Hirgelinta doorashada Jubbaland oo War cusub soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---