Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidankii Xaaf oo laga saaray garoonka Dhuusamareeb & Wasiir Sabriye oo ka degay (Sawirro)

Wafdigii Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Somalia Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ugu dambeyn ka degay garoonka magaalada Dhuusamareeb sida ay sheegayaan warakii ugu danbeeyay ee laga helayo halkaas.

Wafdiga oo ka dhoofay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hor yimid inay tagaan magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Duceela Geelle Xaaf oo ciidamo taageersan u diray garoonka magaalada, si ay u hor joogsadaan, balse waxaa la soo sheegayaa in arrintaasi uu faragelin ku sameeyay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo garoonka ka saaray ciidamadii Xaaf taageersanaa, isla markaana suurageliyey inay gaaraan wafdigii Wasiir Sabriye.

Madaxda Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa ku kala aragti duwan qaabka loola tacaalayo dowladda Somalia. qeybta Ahlu suna ayaa la sheegay inay ogol yihiin waanwaan iyo dood ay la galaan xukuumadda iyo Wafdiga Wasiirka, halka Madaxweyne Xaaf uu si weyn u diidan yahay, isagoo ka cabsi qaba in wafdiga dowlada ay kala furfuraan garabka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey Gaza & tirada hubka Mareykanku siiyey Israel oo la shaaciyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo Dayniile ku qabtay Nin Hoobiyaal tuuri rabay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dayuurad ku burburtay wadanka Itoobiya iyo dad badan oo ku dhintay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---