Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Sababta Abwaan Sangub loogu aasay Itoobiya

Dowlada Soomaaliya ayaa hadashay sababta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya loogu aasi waayay Abwaan Maxamuud Ciise Sangub oo maanta aas balaaran loogu sameeyay magaalada Jigjiga ee caasimada maamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Xukuumada Soomaaliya ayaa markii uu Abwaan Sangub ku geeriooday magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya magacawday guddi qaban qaabiyada aaska Abwaan Sangub oo lagu waday in Muqdisho lagu aaso.

Wasiirka warfaafinta dalxiiska iyo dhaqanka ee dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo guddiga la magacaabay kamid ahaa ayaa sheegay in dowlada qorsheesay in meydka Abwaan Sangub loo soo qaado Muqdisho laguna aaso.

Waxa uuna xusay in qorshahaasi isbadalay kadib markii xubno kamid ah qoyska Abwaan Sungub ay dalbadeen in lagu aaso magaalada Jigjiga , waxa uuna xusay in madaxda sare ee dalka ay tixgaliyeen codsiga Qoyska Abwaan Sangub.

”Dowlada Soomaaliya markii uu dhintay Abwaanka waxaan qorsheenay in aan aas qaran ku qabo magaalada Muqdisho,laakiin codsi nooga yimid qoyska ayaa Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo dhamaan u hogaansameen codsiga Qoyska Abwaan Sangub” ayuu Yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la weediiyay in Abwaan Sangub ka dar daarmay in dalka Itoobiya gaar ahaan magaalada Jigjiga lagu aaso ayuu sheegay in uusan taasi maqal balse codsiga qoyskiisa ka yimid darteed halkaasi loogu aasay.

Magaalada Jigjiga ayaa maanta aas balaaran loogu sameeyay Abwaan Sangub , waxaana aaska Abwaanka ka qeyb galay masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya, dowlada Itoobiya iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka.

 

- Advertisement -