Ciidamada Dowlada oo Dayniile ku qabtay Nin Hoobiyaal tuuri rabay (Daawo Sawirro)

Ciidamada Dowlada ayaa maanta howlgal ay ka fuliyeen degmada Dayniile waxa ay ku qabteen nin la sheegay in uu doonayay in hoobiyaal ka tuuro gudaha Dayniile .

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa sheegay in Ciidanka Amniga howlgal ay ka fuliyeen degmada Dayniile ay kusoo qabteen nin doonayay in hoobiyaal tuuro.

Tuulax ayaa magaca ninkan la qabtay ku sheegay Maxamed Xassan Cali oo katirsan kooxda Alshabaab , waxa uuna xusay in ninkan la qabtay cadaalada la horgeyn doono.

Hoobiyaasha uu doonayay in uu tuuro ninkan la qabtay ayaan la ogeyn halka lagu bartilmaameedsan rabay, waxa ayna qabashada ninkan imaaneysa xili galabta garoonka Muqdisho Stadium uu ka furmay koobka Janaraal Daa,uud.

- Advertisement -